Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaalada uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan Bulshada ku nool Magaalada.
Dad ayaa isugu soo baxay Bartamaha Magaalada kuwaasi oo ka cabanaya sicir barar ku yimid qiimaha Doolarka la kala sarifto Magaalada Baledweyne.
Wararka waxa ay sheegayaan Magaalada inay soo gashay lacag fara badan oo Shilin Somali faalso ah, taasi oo keentay in Sare uu u kaco Qiimaha lagu kala sarifto Doolarka Magaalada.
Boqolka Doolar ($100) ayaa markii hore waxaa lagu kala sarifanaayay Magaalada 2400 Shilin Somali ah, halka hada uu maraayo 3600 oo Shilin Somali.
Guud ahaan waxaa xiran goobaha ganacsiga Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan oo saaka ma jirto meel ganacsi ah oo furan oo Magaalada ka shaqeynaysa.
Goobjooge.com