Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in bannaanbax ay saaka dhigayaan Gaadiidleyda BL-ka qaarkood oo diidan lacago lagu soo rogay.
Isgoysyada bannaanbaxyada ka socdaan ayaa waxaa ka mida Isgoyska Jardiinka, Towfiiq iyo Fagax, waxayna darawallada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka ay ka cabanayaan lacago dib loogu soo rogay oo laga joojiyey markii la xiray wadooyinka oo ay awoodi waayeen inay tagaan Xamarweyne.
Qaar ka mida gaadiidleyd ayaa sheegay inay ka bannaabaxayaan lacagta dib loogu soo celiyey oo gaareys 2 Doolar, waxaana ka qaadata dowladda Hoose ee Muqdisho; iyadoo aan wadooyinka loo furin, waxayna sheegeen inay u dacwoodeen Booliska, balse aan waxba laga qaban cabashadooda.
Gaadiiska ka shaqeeya inta u dhaxeysa Fagax, Towfiiq, ilaa Jardiinka ayaa shaqada joojiyey, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee gaadiidleydani ay shaqo joojin iyo bannaanbax ku dhaqaaqaan.
Wadooyinka xiran ee caasimadda ayaa keenay xaalad adag oo ay ku shaqeeyaan Gaadiidka dadweynaha, waxaana xilligii Guddoomiye Yariisow, gaadiidleydan laga yareeyay lacagihii laga qaadi jiray.