Bannaanbixii ugu horeeyay ee looga horjeedo shirkii madaxda maamul Goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo iyo Golaha lagu dhisay ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Bannaanbaxa ayaa la sheegay inay soo abaabuleen Odayaasha, waxgaradka iyo dadweynaha degmada Garbahaarey, waxaana lagu cambaareeyay madaxda maamul Goboleedyada ku shiray Kismaayo, iyadoo dadkii ka qeyb galay ay si buuxda u taageereen dowladda Federaalka iyo madaxdeeda.
Dadka isugu soo baxay bartamaha magaalada Garbahaareey ayaa Golaha Iskaashiga ee ay sameysteen madaxda maamullada ku sheegay inuu yahay: Golaha burburinta Qaranka Soomaaliyeed, waxayna wateen boorar lagu cambaareynayo madaxda maamul Goboleedyada.