Thursday, June 26, 2025

Bannaanbax looga horjeedo wasiir Odowaa iyo Guddiga uu magacaabay oo ka dhacay Beledweyne

Wararka laga helayo Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu  halkaasi ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaaiyo  Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee uu shalay magacaabay.

Dadweyne boqolaal ah oo ka  kala yimid Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baledweyne ayaa iskugu soo baxay wadooyinka, kuwaas oo canbaareeyay guddigaasi, isla markaana hadallo ay uga soo horjeedaan wasiir Odowaa ku dhawaaqayay.

Maanta ayay ahyad markii odayaasha Hiiran iyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan  ay si weyn uga hor yimaadeen Guddiga farsmada iyagoo canbaareeyay  wasiir Odowaa.

Waxaa muuqata in caqabado cusub ka hor yimaadeen Guddiga uu magacaabay Wasiir Odowaa iyagoo beesha ugu badan maamulka Hiiraan ee guddoomiyaha ka soo jeedo ay si weyn ugu hor timid guddigan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON