Friday, June 27, 2025

Baraha Bulshada ee Facebook iyo Instagram oo Ciladii ugu waqti dheereyd ay qabsatay [Warbixin]

Baraha bulshada ku xiriirto ee caalamiga ah ayaa xalay cilad qabsatay markii ay shaqeyn waayeen FACEBOOK iyo INSTAGRAM oo ah laba shirkadood oo la isla leeyahay.

Ciladan ayaa degdeg isugu bedeshay mid caalami ah, waxaana shaqeyn waayey qoraaladda iyo sawirrada lasoo dhigo Facebook iyo adeegga la xiriira ee Messenger-ka, waxaa kaloo dadku awoodi waayeen inay farriio ama sawirro isugu diraan Instagram.

Lama shaacin ciladda qabsatay, laakiin shirkadda Facebook ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay ka war heyso ciladda dadka qaar ay kala kulmayaan inay galaan website-ka Facebook ama App-kiisa, waxayna intaas ku dartay inay shaqo ka hayaan oo sida ugu dhaqsiyaha badan loo hagaajin doono.

Facebook ayaa hawada ku jira isagoo si caadi ah website-ka u soo bandhigaya qoraalladii iyo muuqaaladii hore, laakiin waxay dadku awoodi waayeen inay farriin ku daabacaan ama muuqaallo iyo links ku diraan.

Dadka sida ba’an u adeegsada baraha bulshada ayaa u wareegay Twitterka, halkaasoo hal-kudehgyada ah #Facebookdown iyo #Instagramdown ay caawa noqdeen kuwa ugu badan ee lagu hadal hayo.

Ciladda aya la sheegay inay ahayd tii ugu waqtiga dheereyd ee abid lasoo gudboonaata Facebook intii uu jiray, taasoo ka dhalatay markii nidaamka hostinka uu fariistay.

UPDATE: Ciladda ku timid Website-yada Facebook iyo Instagram iyo adeegyada la xiriira ayaa la xaliyey, waxaana dib u shaqo bilaabay labada mareeg kadib muddo lix saacadood ah oo ciladaasi heysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON