Thursday, June 26, 2025

Barlamanka Somalia, ururo bulsho & Culimo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo xasuuqii AMISOM ee Marka

Xildhibaano, Culimo iyo ururada Bulshada rayidka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in degdeg baaritaan loogu sameeyo dadkii 21-kii bishan July ay ciidamada AMISOM ku laayeen  magaalada Marka ee gobolka SH/hoose.

Askari_AMISOM_Marka

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka si kulul u cambaareeyay falkii ay degmada Marka ka geysteen Ciidamada AMISOM, wuxuuna sheegay  in AMISOM ay dalka u timid nabad ilaalin, balse aysan u imaan inay dad shacab ah leyso, “Dowladda Somalia ay uga fadhiyaa inay jawaab cad ka bixiso falkii dadka rayid ahaa lagu laayay” ayuu yiri Sheekha.

Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa isna sheegay cambaareeyay AMISOM, wuxuuna sheegay  inay aad uga xun yihiin wixii Ciidamada AMISOM ay kula dhaqaaqeen dadka Shacabka ee Marka. Xildhibaanka wuxuu sheegay in AMISOM ay hareer martay howshii ay dalka u joogtay, isagoo ugu yeeray  Dowladda Federaalka Somalia  inay jawaab  cad ka bixiso.

Ururka Xuquuqda Insaanka ee Ismaaciil Jimcaale ayaa isna war saxaafadeed uu soo saaray ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo wixii maalintii Talaadadii ka dhacay magaalada Marka iyo dadkii lagu laayay halkaasi, wuxuuna ururku ugu baaqay dowladda iyo AMISOM waajib ku tahay soo bandhigidda xaqiiqada meesha ka dhacday.

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna codkiisa ku biiriyay qeylo dhaanta ka soo yeeraysa magaalada Marka, waxayna guddigu sheegeen inay xubno ka tirsan guddigooda u saareen arrinta AMISOM ka geysatay magaalada Marka.

Dadka lagu dilay magaalada Marka ayaa tiradoodu gaartay 18 ruux iyadoo AMISOM ay sheegtay inay ahaayeen koox Alshabab ah, waxaa shaki laga muujiyay sida AMISOM u fasirtay wixii ka dhacay magaalada Marka, waxaana sii kordhaya dalabka lagu doonayo in baaritaan xaqiiqo raadin ah oo madax bannaan lagu sameeyo dadkii lagu laayay Magaalada Marka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON