Kulankii Baarlamaanka maanta ku lahaa xaruntiisa magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen 158 xildhibaan ayaa goor dhoweyd soo gabagaboobay iyadoo ay ku biireen xubno ka mida golaha wasiirada oo uu hor kacayo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana go’aano looga gaaray hiigsiga 2016 oo la sheegay inaysan dalka ka dhicin xilligaasi doorasho hal qof iyo cod ah.
Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ay dhif iyo naadir tahay inay go’aan isla soo saaraan, lagana yaabo in sharci ahaan go’aankani uusan ansixin, balse ay muuqato in looga hordhaco kulanka hiigsiga cusub ee Muqdisho ka dhici doona berito ayaa waxaa kulanka laga soo saaray saddex qodob oo la sheegay inay kusoo heshiiyeen Guddiyo ka kala socday Baarlamanka iyo Xukuumadda oo wada tashi u socday.
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ah Guddoomiyaha Gudi hoosaadka Baarlamaanka ee u qaabilsan ka soo tala bixinta arrimaha Hiigsiga 2016 ayaa kulankii maanta ka hor akhriyay saddex qodob oo ay ku isku raaceen Xukuumadda iyo Baarlamaanka, kaasoo ka mid ahaa in sanadka 2016 aanay dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod, waxayna qodobadaasi kala yihiin.
- Labada gole ee dowladda waxay isla garteen iskuna raaceen in sanadka 2016 aanay dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
- In la qabto shirweyne heer Qaran oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto.
- In qabanqaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gabagabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato.
Intaas kadib waxaa kulanka ka hadlayRa’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in golayasha dowladda ay midoobeen isla markaana muhiim tahay in golayaasha dowladda ay gaareen go’aano dhaxalgal ah isagoo soo dhoweeyay wada shaqeynta labada dhinac iyo go’aanada ay soo saareen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa kulanka soo xiray isagoo sheegay aan loo dulqaadan doonin cidii carqalad wada ee dooneysa inay ka hortagto rabitaanka iyo howlaha ay dowladdu wado.
Heshiiska baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya gaareen oo maalmahan soo socday ayaa ujeedkiisu yahay in la hor geeyo shirka caalamiga ahee hiigsiga cusub oo beri ka furmaya magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Federaalka u muuqataa inay hadda raadineyso qaab ay xilliga ku kororsato, mar haddii howshii ugu weyneyd ee loo xil saaray ay ku dhawaaqday inaysan suuragal ahayn, taasoo ah doorasho dalka ka dhacda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]