Magaalada Nairobi oo uu socdaal saddex maalmood qaadanayo ku joogo madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la ciirciireysa xaalad ammaan tii ugu adkeyd kadib markii kumanaan ciidamada Kenya iyo Mareykan ah lagu daadiyay bartamaha magaaladaasi.
Warbaahinta Kenya ayaa xaaladda ku tilmaamantay howlgal ammaan kii ugu weynee ee dhulka Kenya laga fuliyo inuu ka socdo, waxayna dadka magaalada ku dhaqan ay iska joogaan guryahooda iyagoo ka fogaaday bartamaha magaalada oo shirka Ganacsiga ee Obama ka qeyb galayo uu ka socdo oo boqolaal ciidamo Mareykan ay gaaf wareegayaan.
Wadooyinka waaweyn ayaa xiran iyadoo ay kaliya isticmaalayaan gawaarida wafdiga Obama lagu galbinayo. Waxaa kaloo guud ahaan laga joojiyay inay dad cusub ay degayaan hoteelada waaweyn ee ku yaala bartama magaalada Nairobi iyo degaanka Westlands oo cidii dalbata ay jawaabteedu noqoneyso inay buuxaan. Hoteelada ayaa sheegay in la heli karo oo kaliya wixii ka dambeeya Talaadada marka uu wafdiga Obama Kenya ka huleelo.
Inkastoo dadka Kenya ku faraxsan yihiin booqashada dalkooda ee madaxweyne Obama haddana waxay si tartiib ah u dareemayaan xaalada magaalada xiran iyo saameynta adag ee ay ku yeelatay socdaalka wafdiga Obama oo magaalada Nairobi ka dhigtay xero ciidan oo kale.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]