Tuesday, June 24, 2025

Bartii Twitter-ka ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed I. Macalimuu oo la xiray [Akhriso yaa ka danbeeyay..?]

Boggii uu barta caanka ee Twitter-ka ku lahaa xoghayaha guud ee ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la xayiray, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan arrintaasi.

Macalimuu ayaa xayiraadda Boggiisa ku eedeeyay inuu ka danbeeyay ninka sheegta inuu xoghaye ka yahay NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan, isagoo ku eedeeyay aan ogoleyn xoriyadda hadalka iyo fekerka. Arrintan ayuu sheegay inay soo bilaabtay Bishii April ee la soo dhaafay, markaasoo la isku dayey in lala wareego bartiisa twitter-ka, balse uu dib u soo ceshaday.

“Cumar Faaruuq wuxuu sheegayaan in NUSOJ ay tahay shirkad uu isagu leeyahay iyadoo ah urur Qaran..” ayuu saxaafadda gudaha us heegay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo intaas ku daray inaysan jirin wax sharci ah oo uu jebiyay, isla markaana uu dacwad la tiigsan doono.

Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku heyso loolanka ka dhaxeeya laba Garab ee NUSOJ, siiba Garabka uu sheegto inuu hoggaamiyo Cumar Faaruuq Cismaan Qareeno Mareykan ah u kireystay inuu ku dacweeyo qof kasta oo kasoo horjeeda rabitaankiisa si loo caburiyo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON