Tuesday, June 24, 2025

Bartii Twitter-ka ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed I. Macalimuu oo mar kale la xiray [Faahfaahin]

Barta caanka ah ee Twitter-ka ayaa markii labaad xiray barta xoghayaha guud ee ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib markii bartiisii hore la xayiray 11-kii May 201.

Macalimuu ayaa bartiisii hore markii la xiray sameystay mid kale oo uu ku qortay inuu yahay xoghayaha guud ee NUSOJ, waana arrinta keentay in mar kale uu Twitter-ka uu xiro mar kale, waxaana xiritaanka maanta lagu sameeyay boggii labaad ee Moalimuu u dabaaldeyay kooxda taageersan NUSOJ-ta uu madaxda u yahay Cumar Faaruuq.

Macalimuu ayaa xayiraadda Boggiisa hore ugu eedeeyay inuu ka danbeeyay ninka sheegta inuu xoghaye ka yahay NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan, iyadoo arrintan  soo bilaabtay Bishii April ee la soo dhaafay, markaasoo la isku dayey in lala wareego bartiisa twitter-ka, balse uu dib u soo ceshaday.

Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku heyso loolanka ka dhaxeeya laba Garab ee NUSOJ, siiba Garabka uu sheegto inuu hoggaamiyo Cumar Faaruuq Cismaan oo Qareeno Mareykan ah u kireystay arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON