Dowladda Turkiga ayaa deeq ka kooban Laba Bas ku wareejisay taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Basaskan ayaa la sheegay inay yihiin nooca aanay rasaastu karin, waxaana loogu talogalay in lagu qaado maxaabiista ku jirta Xabsiyada xilliyada la geynayo Maxkamadaha.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyay dowladda Turkiga, wuxuuna sheegay inay baahi weyn u qabeen baabuurtan.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa munaasbadda wareejin Basaska ka sheegay in deeqda Turkiga siiyo dowladda Soomaaliya ay tahay joogto.
DAAWO SAWIRRO