GO’AANO CULUS OO KA SOO BAXEY SHIRWEYNIHII BEESHA GALMAAX YOONIS EE KA SOCDEY MAGAALADA MUQDISHO.
Shirweynihii beesha Galmaax Yoonis ee looga hadlayay Aayaha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee beeshaasi ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay hoyga uu ka degan yahay caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho Malaaqa beesha Galmaax Yoonis.
Shirweynahaasi oo socdey intii u dhaxeysay 5-7 April ayaa waxa ka qeyb qaatey masuulliyin isugu jirtey siyaasiyiin, duubabka dhaqanka, aqoonyahanada, qurba joogta, gancsatada, culimaa’udiinka, haweenka iyo dhallinyarada Galmaax Yoonis ee ka tirsan beel weynta Wacbuudhan Abgaal.
Muddadii uu socdey Shirweynahaasi ayaa si weyn waxaa loogu gorfeeyay qoddobo ay ka mid ahaayeen arimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, deegaanka, dib u heshiisiinta iyo Bulshada, dood iyo falanqeyn dheer kadib waxay beeshu si wadajir ah u soo saartay War Murtiyeed ka kooban dhawr bog, kaasi oo u qornaa sida tan:-
1-Ugu horayn beeshu waxa ay sidii lagu yiqiinay ay u caddeynaysaa in ay ka go’an tahay garab istaagga dadaalada lagu dhisaayo Dowladnimada Dalka laguna soo celinaayo sharafkii ay ummadda Soomaaliyeed ku lahayd Qaaradda Afrika iyo Caalamka.
2-Beeshu markii ay aragtay sida ay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo u hareer martay baaqyadii beesha ee ahaa in la siiyo saamiga siyaasadeed oo ay u qalanto, waxa ay beeshu ka fiirsan doontaa dibna uga fikiri doontaa taageerada Dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.
3-Beeshu waxa ay qaadi doontaa si deg-deg ah talaabo walba oo ay ku xaqiijinayso in ay ku hesho xuquudeeda siyaasadeed ee ku aadan saamiga awood qaybsiga Dalka haddey ahaan laheyd heer Qaran, mid Dowlad Goboleed iyo tan Dowladaha Hoose ee Wadanka.
4-Beeshu waxa ay u aragtaa xilalka maalintii shalay la sheegay in loo dhiibay shaqisyaad beesha ka mid ah ee kala ah Mareeyayaasha Garoonka diyaaradaha iyo Dekada Muqdisho in ay yihiin xilal deegaan ah ee la mid ah kuwa kale ee Gobolada Dalka sida loo qaybsho loona qaadan Karin xilal siyaasdeed ee lagu masllixi karo Beesha.
5-Beeshu waxa ay mowqif adag ka qaadan doontaa sii ahaanshaha Muqdisho Caasimadda Soomaaliya maadaama beeshu ay tahay deegaankeeda Banaadir balse ay ku waysay xuquuqdeeda matalaad sida qoondadii Dastuuriga aheyd ee lagu qaybin lahaa kuraasta Aqalka Sare, halka 3-dii kursi ee qoondo ahaan ku soo aadi lahayd Banaadir si caddaalad darro ah loo siiyay Gobolo kale taasoo si cad loogu hareer maray Dastuurka Dalka.
6-Beeshu waxa ay ka digaysaa isku day walba ee lagu boobayo kheyraadka dabiiciga ah ee deegaanda beeshu degto sida Dekadaha Ceel-Macaan (Warshiikh) iyo Malable (Cadale). Howlgalin walba ee laga samaynayo Dekadahaasi waxaa qasab ah oo gor-gortan laga gali doonin in ay beeshu noqoto cidda lagala tashanayo Maamul ahaan iyo Lahaashaha ilahaasi dhaqaale.
7-Maadaama ay beeshu ka daashay dalbkii ahaa in la helo Maqaamka Caasimadda si xuquqda matalaadda siyaasadeed loo helo, waxa ay beeshu si rasmi ah ku baaqaysaa in dadka dega G/Banaadir u diyaar garoobaan Aayo ka tashigooda ah in ay dhawaan samaysan doonaan Maamul Goboleed u gaar ah ee xaqiijiya matalaadooda deegaan, siyaasad iyo dhaqaale intaba.
8-Beeshu waxa ay ugu baaqaysaa dadka ka soo jeedo deegaanada ay degto in ay u istaagaan nabadda iyo in si ku dhisan wada noolaasho loo wada daganaado deegaanada. Sidoo kale beeshu waxaa ka go’an in ay taageerto dadaalada dib u heshiisiineed ee colaadda ka jirto Degaanada ay degto beesha waxa walbana lagu dhameeyo miiska wadahadlka.
Gaba-Gabo iyo Gunaanad.
Waxaan ka codsanaynaa ururuada heer Gobol iyo Caalami intaba iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya in ay soo faragaliyaan caddaalad darada iyo nin jecleysiga ay ku soo caanbaxayso Dowladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo si looga fogaado is qab-qabsi iyo is-diidmo wiiqi karta dadaalada lagu dhisaayo Dowladnimada Soomaaliya.
WABILAAHI-TOWFIIQ
BEESHA GALMAAX YOONIS.