Thursday, June 26, 2025

Beelaha Baadicadde iyo Jajeele oo go’aansaday inay iska tuuraan magacii guud ee “Gugundhabe”

Shir  kasoo qeybgalay mas’uuliiyiin ka tirsan Maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, Siyaasiyiin, waxgarad ka soo jeeda beelaha Baadicadde iyo Jajeele, loogana hadlayay qaabka awood qeybsiga maamulka ay yeelan doonaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka wuxuu  isku raacay in magaca Gugundhabe aan looga qeyb gelin shirka maamul u sameynta iyo awoodaha kale uusan ku soo bixikarin magaca Gugundhabe ayna beel walibana si madax bannaan ay ku hesho xaqii ay ku laheyd maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe wixii intaa ka soo harayna beelaha ay isku raaceen inay ka soo horjeesan doonaan.

Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo ka hadlay shirkaan ayaa sheegay in labada beelood ay isla garteen in magaca Gugundhabe meesha laga saaro habka loo qeybsan doono maamulka uu yeelan doono Hiiraan iyo shabeelaha dhexe beelwalbo ay gooni u madax banaan tahay.

Col. Xasan Faarax Xirsi oo ku hadlay magaca beesha Jajeele ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan shirka maanta ay la qaateen Beesha Baadicadde, “Maxaa diidan in maanta aan ka hadalno masiirkeena, annagoo og beelo nala mid ah inay Baarlmaanka Somaliya ka heleen tiro badan, dowladda qeybaheeda kala duwan ay ku jiraan, safiiro iyo Maamulka Dowliga si weyn ayee ugu dhexmuuqdaan iyaga oo intaas leh ayaa haddana waxaa jira in boob ay rabaan,Ma yeeleyno mana qaadaneyno,wixii aan xaqqa u laheyn waa in aan helnaa,nidaamka lagu dhisi doono Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waa in saamigii aan ku laheyn aan helnaa,haddii ay dhici weydo go’aan ayaa qaadandoonaa…” ayuu yiri Col Xasan Faarax Xirsi.

Beelaha goboladda Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa dadaal ugu jira in mid waliba ay saamiga ugu weyn ka hesho awood qeybsiga iyo ergad shirka, taasoo keeneysa inay beelo wada jiray ay qeybsamaan.

beelaha jajbad (13)
beelaha jajbad (11)

beelaha jajbad (14)
beelaha jajbad (1)

beelaha jajbad (2)

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON