Saturday, July 19, 2025

Beelo ka soo kala jeeda Puntland & Galmudug oo ku dagaalamaya duleedka Gaalkacyo

Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo beleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay degaano hoos yimaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Dagaalka aya geystay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna ka dhacay  degaan dhinaca Bari ilaa 80 KM u jira Gaalkacyo.

Dagaal-Beeleed

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa Saddex Qof oo ah Dhinacyadii Dagaalamay. Dadka ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday dhanica Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug  Aweys Cali Saciid ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku xaliyaan dagaalada ka soo cusboonaaday miyiga Gobolka Mudug, ayna talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo lug ku yeelata hurinta xiisadaha ka soo cusboonaaday Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid ayaa ku eedeeyay inay dagaalka soo qaadeen Maleeshiyaad ku hayb ah Maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay. Maamulka Puntland ayaa dhankiisa ka hadlin Dagaalka ka dhacay Degaanada Miyigaa ee Gobolka Mudug.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON