Saturday, July 12, 2025

Beelo ku dagaalamay degmada Warsheekh oo shir nabadeed uga furmay Magaalada Jowhar

Kulan lagu heshiisiinayo labo beelood oo dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, iyadoo uu marti gelinayo maamulka Gobolka Sh/dhexe.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen, Xildhibaan Qaasin Cali Nuur, Malaaq Cali Malaaq Colow, nabadoono, samadoono iyo waxgarad ka soo jeeda degmooyinka Balcad iyo Warsheekh ee dagaalku dhex maray.

Kulanka nabadeed waxaa  ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe oo ku baaqay in waxgaradka beelaha labada dhinac in ay si cadaalad ku jirto ay u xaliyaan khilaafkooda, maamulka gobolkana uu diyaar la yahay wax walba oo ay u baahan yihiin.

Malaaq Cali Malaaq Coloow oo ah Malaaqa Xamar iyo Xamar daye oo madasha ka hadlay ayaa ka codsaday nabadoonada labada beel inay xaliyaan khilaafkooda isagoo qudbadiisa ku soo qaatay aayado qur’aan oo ka digayaa in si macno darro ah loo daadiyo dhiigga dadka muslimiinta ah.

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in dadaalka oo dhan ay isugu geynayaan sidii xal loogu heli lahaa in la dhameeyo colaada dadka walaalaha ah ee soo noqnoqotay, isla markaana xal waara loogu heli lahaa dhibaatada.

shir dib uhesh (10)

shir dib uhesh (9)

shir dib uhesh (8)

shir dib uhesh (7)

shir dib uhesh (6)

shir dib uhesh (5)

shir dib uhesh (4)

shir dib uhesh (3)

Isha: Banadir.net

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON