Sunday, June 22, 2025

Beesha Caalamka oo farriin adag soo gaarsiisay madaxweyne Xasan Sheekh

Wararka laga helayo madaxtooyada Muqdisho ayaa sheegaya in Beesha caalamka ay fariin cad  soo gaarsiisay saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha, fariintaas oo ay wadajir u wadeen xubno uu ka mid yahay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaysan beesha caalamka aqbali doonin mooshin xiligan laga keeno xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal wasaaraha.

SADDEXDA MAS'UU EE UGU SAREYSA DOWLADDA FEDERAALKA
SADDEXDA MAS’UU EE UGU SAREYSA DOWLADDA FEDERAALKA

Farriintaas ayaa lagu soo beegay iyadoo guddoonka Baarlamaanka uu joojiyay mooshinka ay geeyaan xildhibaanno gaaraya 140, iyagoo sheegay inay xal u raadinayaan khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda. Baaqii hore ee kasoo baxay Ergeyga Q/Midoobay iyo Wakiilka Midowga Yurub ayuu dhegaha ka fureysay madaxweyne Xasan Sheekh isagoo caddeeyay inaan faragelin lagu sameyn arrimaha Soomaaliya oo si sharci ah lagu dhameyn doono khilaafkooda.

Lama oga sid madaxweyne Xasan Sheekh u aqbali doono arrintan iyadoo uu soo fool leeyahay shirkii hiigsiga cusub ee la filayay in Soomaaliya loogu yabooho dhaqaale.

Ad

Goobjooge.com
Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON