Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda UNDP oo ay hoos ka riixeyso Beesha Caalamka ayaa magaalada Muqdisho looga furay haweenka xildhibaanada ah ee labada Gole.
Shirkan oo la sheegay inuu noqonayo sanadle ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan haween xildhibaanno ah oo gaaraya 100 iyo ururadda Haweenka ee Bulshadda Ra’yidka.
Waxaa furitaanka shirka ka qeyb galay guddoomiyeyasha labada Aqal ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi, wasiirka haweenka iyo marti sharaf kale.
Shirkan ayaa lagu abaabulayaa haweenka oo la doonayo in lagu xoojiyo doorkooda siyaasadda ee dowladda Fedederaalka iyo sidii ay dumarka u heli lahaayeen fursado la mida kuwa ragga.
SAWIRRO