Tuesday, July 15, 2025

Beesha caalamka oo taageero iyo talo soo jeedin ka soo saartay doorashadii Axmed Madoobe

Qaramada Midoobay, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxtinimada maamulka Jubba oo 15-kii Agoosto ka dhacday Kismaayo, taas oo Axmed Madoobe uu ku guulaystay, muran badanna ka taagnaa sharcinimadeeda.

“Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islaam ugu hambalyeynaynaa doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Jubba ugu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Ku-meel-gaarka ee Jubba,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed beesha caalamka soo saartay. Beesha caalamka ayaa bogaadisay sida Axmed Madoobe ay uga go’antahay inuu si dhab ah ula shaqeeyo guddigii uu dhisay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali, si xal loogu helo qaab dhismeedka Golaha Baarlamaanka Maamulka Kumeel-gaarka ee Jubba.

beesha-caalamka

Waxay ku dhiirrigeliyeen Axmed Madoobe iyo maamulkiisa inay sida ugu dhakhsiyaha badan u xalliyaan arrintan iyadoo loo marayo qaab loo wada dhan yahay. Saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay taageerada uu Axmed Madoobe u muujiyay natiijadii ka soo baxday (shirkii) Madasha Wadatashiga Heerka Sare iyo weliba Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015).

Waxay ku dhiirrigeliyeen madaxweynaha Jubba, Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda Federaalka inay si dhow ula shaqeeyaan Soomaalida inteeda kale ee ay arrintu khusayso si wadahadal wax dhisaya looga yeesho hannaanka maamul dhisidda iyo hanaanka doorasho ee 2016. Waxay ku ammaaneen maamulka Jubba sida ay uga go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo, iskaashina la yeeshaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM si loo xorreeyo deegaannnada weli ku harsan gacanta Al-Shabaab loona baahiyo Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.

Waxay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan dadaalka loogu jiro dhaqaale ururinta iyadoo loo marayo nidaamyada hadda jira si loo taageero adeegyada asaasiga ah oo la gaarsiiyo dadka ku nool gobolladan lana dhiso tayada Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.”

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON