Monday, July 14, 2025

Beesha Ceeldheer & Galcad oo shaacisay inay qaadacday shirka Cadaado

Kulan ay  maanta  magaalada Muqdisho ku yeesheen odayaasha Dhaqanka Beesha Waceysle oo ah beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan  Sheekh Maxamuud  ayaa  shaaca ka qaaday inay ka baxeen shirka maamul u sameynta gobolladda dhexe ee ka socdo Degmada Cadaado.

shadir

Odayaasha iyo Waxgaradka beesha ayaa saxaafadda u sheegay in  beesha oo degta degmooyinka Ceeldheer, Galcad iyo Xaradheere aysan u cuntamin tirada ergada loo qoondeeyay, waxayna si kulul u eedeeyeen guddiga farsamada shirka iyo qaabka ay wax u qeybiyeen.

shirwa

Go’aanka beesha laga akhriyay ayaa ahaa: in gebi ahaanba ay beeshu qaadacday shirka ka socda Cadaado ee maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Nabad-doon C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mid ahaa odayaashii shirka ka hadlay ayaa sheegay  inuusan aqbali karin waxa Cadaado ka socda. “Inta meel rag isugu tago weligeen “Balaq” nalooma tuurin, ha is lug goynina ka noqon meyno go’aankeena, 35 xubnood oo ergo ah waan iska diidnay” ayuu yiri C/llaahi Geedi Shadoor oo si cad u sheegay inaysan haba yaraatee shirkaasi ka qeyb geli doonin.

Beesha Madaxweynaha ka soo jeedo ayaa in muddo ah cadaadis uga imaanayay madaxweyne Xasan Sheekh inaysan shirkaasi ka bixin, laakiin waxaa xaaladda uga sii daray markii xubno aad u yar laga siiyay ergooyinka taasoo keentay in dhinacyadii beeshani ay ku midoobaan inay ka baxaan shirka.

Beeshani waxay noqoneysaa tii saddexaad ee bannaanka ka taagan shirka Cadaado taasoo cadaadiska ku sii kordhin doonta furitaanka wejiga labaad ee shirka magac ahaan loogu dhawaaqay.

 

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON