BEESHA MARXUUM WASIIR CABAAS OO BEENISEY IN UUSAN JIRIN WAX WADA XAAJOOD AH OO AY GASHEY (WAR-SAXAAFADEED)
Kullan ay isugu yimaadeen dhamaan Odayaasha, Siyasiiyiinta, , Culumaa’udiinka, Haweenka, Dhalinyarada iyo waxgaradka Beesha Hubeer ee Digil Mirifle iyo Wafdi siyaasiyiin rasmi ah oo laga soo diray Maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin ka socday Maamulka Koonfur Galbeed, kulaankaas oo socday maalmihii Jimcaha iyo Sabtida ee Taariikhdu aheyd 05-06/05/2017.
Kullankaas oo looga arinsanayey dilkii foosha xumaa ee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib Udhiska ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Marxuum Xildhibaan/Wasiir Cabaas C/laahi Sheikh Siraaji. Dilkaasi oo dhacay 03/05/2017.
Dilkaas oo ay geysteen ilaalada Hantidhowrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, isaguna uu la socday. halkaas uu ku geeriyoday wasiir Cabaas (Allah ha unaxariistee). Dilkan ayaa ka dhacay albaabka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo su’aalo badan leyska weydiiyey sababta keentay in meesha ugu amaanka badan Caasimadda Dalka lagu toogtay Wasiir Cabaas.

Kulanka beesha waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku xusan:
(1) Mahadnaq ku socday Xukuumada Federallka talaabooyinka ay ka qaadeen falkaas dilka wasiirka iyo baarista ay wadaan laamaha amaanka.
(2) In Beesha Hubeer aysan wax waan-waan iyo wada xaajood ka gelin dilka wasiir/marxuuma Cabaas, maadama uu socdo baaritaan dawladeed.
Haddaba kulan kale oo maanta ay Beesha Hubeer kusoo gaba-gabeysey kulamadii hore waxa ay cadeyneysaa si kululna u beenineysaa warar been abuur ah oo shalay iyo maanta lagu baahiyey baraha bulshadda iyo qaar ka mid ah website-yada af Soomaaliga wax ku qora, been-abuurkaas oo lagu sheegay in wada-xaajood qaab qabiil lagu xallinayo dilka Wasiir Cabaas. Ayadoo Beeshu ay ka dhur sugeyso natiijada baaritaanka ay wado Dowladda.
Xafiiska Warfaafinta Malaaqa Guud ee Beesha Hubeer:
Malaaq Xasan Shurre Maxamuud Yaxye.