Kulan ay maanta degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo shirka maamul u sameynta gobolladda dhexe ka socdo ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay kalsoonidii kala laabteen Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Odayaasha iyo Waxgaradka beesha uga qeyb galaya shirkaasi ayaa saxaafadda u sheegay in Guddiga farsamada uu guud ahaanba diiday talooyinka beesha, isla markaana aanu ku shaqeyneynin taladii wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxweynaha,kadib markii markii arkeen sida uu wax u wado guddigan ay kalsoonidii kala laabteen.
Nabad-doon C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mid ahaa odayaashii shirka ka hadlay ayaa sheegay in guddiga aanay ogeyn cidda uu la heysto mar haddii aanu ku shaqeyneynin rabitaanka beelaha iyo talada dowladda Federaalka.
Beesha Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan in gudaheeda khilaaf ka dhex jiro oo laba dhinac u kala jaban tahay inkastoo go’aanka ay qaateen maanta dhinaca uu hogaamiyo C/llaahi Geedi Shadoor sii cakirayo xaaladii awalba liidatay ee shirka, iyadoo ku feker noqday madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]