Beesha Surre ee Direed ayaa War kasoo saaray hadalkii gefka ahaa ee kasoo yeeray Xildhiban Ahmed Macalin Fiqi, kasoo uu kusheegay xeer ilaaliyaha qaranka inuu yahay nin u dhashay dalka Itoobiya.
Beesha ayaa ku baaqday Xildhibaan Fiqi raali gelin ka bixiyo ama ay sharciga la tiigsan doonaan, hadalkaasina aanu ahayn mid uu ku hadlo xildhibaan huwan magac qaran, iyagoo caddeeyay in hadalka Xildhibaan Fiqi uu keeni karo xasarad colaadeed in dalku dib ugu laabto.
Shirka Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Surre oo ka dhacay Hotel ku yaalla Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix qodob oo quseeya hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA