Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Beesha Xawaadle shirweyne siyaasadeed oo ku saabsan xaalada beesha iyo dhismaha maamul goboleedka ay wado dowladda Federaalka uu dhowaan furmi doono .
Shirkaasi oo uu qabanqaabinayo Ugaaska cusub ee Beesha ayaa looga yeeray siyaasiyiinta, xildhibaanada, qurbo joogta iyo dhinacyada kala duwan ee Beesha, waxaana socda qabanqaabada shirkan oo dhowaan furmi doona.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in ugaaska cusub oo aan weli ka duubin ee beesha uu taageersan yahay in Hiiraan ay keligeed gooni isu taagto, taasoo caqabad ku noqon doonta shirka haddaba cakiran ee Jowhar.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa xaalada sii cakiray kadib qaabkii ay wasaaradiisu u qeybisay odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada shirka, iyadoo aanay jirin beel qura oo ku qanacday.
Goobjooge.com