Wednesday, June 25, 2025

Bisha Cas ee Turkiga oo gargaarkii ugu horeeyay ka dejisay Magaalada Muqdisho

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dejisay diyaarad sidey hal tan oo raashiin nafaqeysan ah oo loogu talagay dadka ay abaaruhu ku saameyeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan caruurta nafaqo darrada la il-daran.

Gargaarka rashiinka ah ayeey madaxda hay’addu maanta ku wareejiyeen guddiga gurmadka qaran ee abaaraha Soomaaliya si uu ugu qeybiyo dadka tabaaleysan ee u baahan gargaarka.

Dadka ay abaartu ku dhufatay ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay la il daran yihiin xanuuno ka dhashay abaarta, kuwaaso ay qaarkood u dhimanayaan xanuunadaasi.

Turkiga waa mid ka mid ah dalalka sida weyn u caawiya, Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyey ay saameyn xooggan ay ku lahaayeen.

Dowladda Turkiga ayaa dhowaan sheegtay in tan iyo sanadii 2011 ay Soomaaliya ku bixisay lacag dhan hal bilyan oo dollar.

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON