Wednesday, July 16, 2025

Boobkii ugu weynaa oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika & Ganacsato Soomaali ah oo ku hanti beelay [Sawirro]

Boobkii ugu balaarnaa ee loo geysto Ganacsiyada dadka Ajnabiga ah ku leeyihiin dalka Koofur Afrika ayaa ka dhacay magaalada Soweto ee madowgu degan yihiin, waxaana lagu boobay Ganacsiyo fara badan oo qaar ka mida ay lahaayeen dad Soomaali ah.

Boobka baahsan ayaa yimid kadib markii Ganacsade Soomaali ah la sheegay inuu  toogasho ku dilay mid ka mid ah dadkii wax dhacayey, waxaana kadib xoogeystay boobka ay dadka degaanka Soweto ku ekeeyeen Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa kale ee ajnabiga.

Ganacsato badan oo hantidooda la dhacay ayaa naftooda kala baxsaday, iyagoo tegay Magaalada Johannesburg. Waxaana la sheegay in ilaa 15 Qof oo Soomaali ah ay ku dhaawacmeen rabshadaha oo weli ka socda degaanka Soweto u dhow magaalada Johannesburg, ayna ku hanti beeleen ganacsato ka badan 20 qof.

Ganacsatada Soomaalida ah ee Koofur Afrika ayaa Booliska ku eedeeyay in aysan si wanaagsan uga jawaabin cabashada iyo wargelinta, waxaana la arkayey in Boobka socda ay daawanayeen ciidamda Booliska dalkaasi.

https://www.hiiraan.com/images/2018/Aug/

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON