Thursday, June 26, 2025

Booliska Belgium oo qabtay ninkii loogu raadinta badnaa Yurub ee abaabulay weerarkii Paris

Booliska Belgium ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen mid kamida dadka lagu tuhunsanaa inay ka danbeeyeen qaraxyadii magaalada Paris ee dalka Faransiiska ka dhacay Novermber 2015.

Jimcihii maanta ayay booliska dalkaasi sameeyeen howlgallo waaweyn oo lagu qabtay dad dhowr ah oo uu ku jiro ninka lagu magacaabo Maxamed Abrini oo ah 32 jir heysta dhalashada Belgium-ka, kana soo jeeda dalka Marooko, wuxuuna ninka ka mid ahaa dadka sida weyn looga raadinyay Yurub.

Warar kala duwan ayaa  qabashada ninkan iyadoo warbaahinta dalkaasi ay xaqiijisay inuu ka mid yahay dadka la qabtay, laakiin mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa ka gaabsaday inay magacaabaan in Maxamed Abrini ka mid yahay dadka la qabtay.

Booliska xiriiriya Yurub in Abrini iyo ninka kale ee loo qabtay dhowaan inuu weeraradii Paris abaabulay Saalah Abdisalam lagu arkay iyagoo video qura laba maalmood ka hor intii aanay dhicin qaraxyadii Paris.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON