Wararka laga helayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya uu ka socdo ayaa sheegaya in ciidamada booliska Turkiga xabsiga ay dhigeen Gudoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.
Ciidamada ayaa la sheegay inay u dhaceen hotel uu ku sugnaaMaxamed Cabdulaahi Xaashi, kadibna ay xabsiga u taxaabeen gudoomiyaha midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.
Qaar kamid ah xubnaha ka qeyb galaya shirka ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska dalka Turkiga ay hotelka kala baxeen Maxamed Cabdulaahi, iyadoo aan faahfaahin laga bixin xarigiisa.
Maxamed Cabdulaahi ayaa ka qeyb galayay shirka dhalinyarada Soomaaliyeed looga hadlay ee ka dhacay magaalada Istanbul ayaa dhinac kale ah guddoomiyaha ardayda Soomaalida ee dalka Turkiga.
Goobjooge.com