Monday, June 23, 2025

Booliska Kenya oo shaaciyey Askartii looga laayey weerarkii Alshabaab ee Wajeer [7 sarkaal, Dhaqtar & Meydad la garan..]

Ciidamada Booliska Kenya ayaa shaaciyey qasaaraha weerarkii Alshabaab ku qaadeen Bas marayey degaanka Katulo iyo Wargaduud ee Wajeer ee Waqooyi Bari ee Kenya.

Ciidamada la weeraray ayaa saarnaa Bas-ka, waxaana la sheegay inay askartaasi ay dib uga laabanayeen shaqadooda iyagoo fasax soo dhammeystay oo ay wateen Dhar caadi ah, waxaana Booliska Kenya uu shaaciyey in weerarka lagu dilay 7 Sarkaal, dhaqtar iyo laba qof oo kale oo la garan waayey.

Baska ay la socdeen dad gaaraya 56 qof ayaa waxaa ka baxsaday iyagoo dhaawacyo qaba 4 qof, waxaana Alsahbaab la sheegay inay dadka u kala saareen muslimiin iyo Gaalada kale ee reer Kenya, kadibna aya laayeen askarta ka mid ahayd rakaabka Baska.

Alshabaab ayaa weerarka ka danbeysay, waxaana bayaan ay soo saartay oo ku qoran Ingiriis lagu sheegay inay weerarka Alshabaab uu ahaa mid loogu aargudayo weeraro ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Qasaaraha soo gaaray ciidamada Kenya ayaa ah kii ugu weynaa muddooyinkan danbe, waxayna dowladda Kenya ay ciidamo badan u dirtay degaanka Wajeer iyo Xuduudka Kenya si jawaab loga bixiyo weerarkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON