Wednesday, July 16, 2025

Boqolaal dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Yaaqshiid

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay ku dul degay xaafadaha degmada Yaaqshiid, iyagoo baaritaan ka socday ilaa saaka lagu soo xiray boqolaal ruux oo guryahooda loogu galay.

Howlgalkan ayaa lagu soo ururiyay dhalinyaro fara badan oo la isugu keenay wadooyinka degmada kadib markii guryahooda loogu galay, waxaana saacado badan oo bannaanka  fadhiyeen kadib loo kala saaray dhowr qeybood, waxaana la sii daayay intii badneyd.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in 17 ruux looga shakiyay Alaahbaab weli baaritaan lagu hayo oo la xaqiijin doono, wuxuuna howlgalka ku tilmaamay mid caadi ahaan ka dhaca magaalada.

Baaritaanka mar kaliya xaafado iyo degmooyin lagu habsado, kadibna lagu soo qabto boqolaal ruux ayaa  hore wax natiijo ah uga soo bixin, waxayna dib u soo nooleyneysaa arrintan dhibaatooyinka shacabka Muqdisho ka heystay hay’adaha ammaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON