Monday, June 23, 2025

Boqor Buur-Madow oo Raaligelin iyo Caddeyn ka bixiyey Kaftankii Muranka dhaliyey

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa raali gelin iyo caddeyn ka bixiyay hadal muran dhaliyey oo sheegay oo ku tilmaamay mid beel gaara loola dan lahaa mid kaftan ah oo la siyaasadeeyay.

Hadalkan horseeday carada ee Boqor Buurmadow uu dhawaan hadal uu ka mid ahaa: “Mararka qaarbey igu yiraahdaan Soomaalida kale war qolladiinaan Dir miyaadnan han lahayn oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare doonan karin waxaan iraahdaa war laba dowladoodbaa meesha ka dhisane dowladda Shabaabka Dirbaa madax ka ah oo waliba laguma tartamo iyo sidoo kale in uu ka tacsiyeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Shabaab Axmed Godane”.

Muuqaal uu soo duubay oo raaligelin iyo caddeyn isugu jira ayuu Buur-Madow ku yiri: “Waxaan joogay oo aan ka hadlayay qado beeleed, waanu kaftameynayay waan hadleynay, kaftan beeleed buu ahaa”Wuxuu sheegay in booqashadiisa ay ku saleysan tahay xoojinta nabadda iyo isu soo dhaweynta shacabka”.

Ad

Wuxuu ku dooday inuu hore u caddeeyay cid kasta oo dhiig daadisa dhaqan, siyaasad ama Diin haku daadisee inuu marnaba taageersaneyn, kana soo horjeedo.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in wax xiriir ah uusan kala dhexeyn Al Shabaab. “Shabaab waxa naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa, mana jirto” ayuu yiri.

Siyaasiyiin iyo dad caan ah ayaa si weyn naqdiyey Boqor Buur Madow oo ka dalbaday inuu raaligelin bixiyo, lamana oga inay ku qanci doonaan hadallada kasoo yeeray, iyadoo dadka qaar ay sheegeen inay dacwad kusoo oogayaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON