Tuesday, June 24, 2025

LA-YAABKA DUNIDA: Boqorka 15 xaaslaha ah ee Swaziland oo iibsanaya diyaarad gaara

Boqorka dalka Afrikada Koonfureed ku yaala ee Swaziland Boqor Mswati III oo dunida kaga yaabiyay dhaqanka dadkiisa iyo xaaska faraha badan ee uu  qabo ayaa toddobaadkan muran ka dhaliyay dalkaasi kadib markii lagu dhawaaqay inuu soo iibsanayo diyaarad gaara oo cusub oo qiimaheedu ku kici doono 13.2 Milyan oo doolar.

xaasas2
Xaasaska Boqor Mswati III oo ku sugan garoon lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Taiwan

Dalka Swaziland ayaa ah boqortooyo uu ku amar ku taagleeyo Boqorka Mswati III, waana dal gebi ahaantiis ku yaala dalka weyn ee Koonfur Afrika, waxaa dadka dalkaasi ay tiradoodu dhan tahay 1.3 Milyan oo ruux.

Boqor Mswati III wuxuu qabaa 15 xaas, inkastoo mid kamida ay ka baxsatay, wuxuuna ku caan baxay ku noolaashaha nolol khiyaali ah, qasriyo iyo hanti fara badan oo dadkiisa ay faqri ka yihiin. Diyaarad hore boqorku u isticmaali jiray oo ahayd nooca jetka ee DC-9 ayaa la sheegay inay ku filnaan weyday Boqorka.

Diyaaradda gaarka ah ee Boqorka Swaziland
Diyaaradda gaarka ah ee Boqorka Swaziland

Waxaa dalkaasi laga mamnuucay xisbiyada mucaaradka, laakiin qorshaha dowladda Boqortooyada ay ee Swazilan diyaarad gaar ah ugu soo iibiineyso Boqor Mswati III waxaa cambaareeyay ururada bulshada dalkaasi iyo xisbiyada la mamnuucay.

Waxay ugu baaqeen dowladda dalkaasi inay joojiso qorshaha diyaarad cusub oo gaar ah loogu iibinayo Mswati III, iyagoo ku doodaya in dadka dalkaasi ay xilligan ku jiraan abaartii ugu darneyd oo qarka u saaran yihiin macaluul.

Xisbiga la mamnuucay ee  People’s United Democratic Movement (PUDEMO), ayaa arrintan ku tilmaamay mid dareen la’aan iyo musuq ah, waxayna ku baaqeen in lacagtaasi loo wareejiyo taageerada dhaqaalaha liita ee Swaziland.

Wasiirka Shaqada ee dalkaasi ayaa la sheegay inuusan heysan gaadiid ay shaqaalihiisu kormeer ku sameeyaan, halka boqorku doonayo in diyaarad labaad oo gaara soo iibsado.

Dadka boqorka taageersan ayaa ku doodaya in Boqor Mswati III u baahan yahay gaadiid casri ah la isku hubo, nabadgelyada iyo ammaanka Boqorkana ay leeyihiin muhiimada ugu weyn, maadaama uu yahay shaqsiga ay tahay inuu metelo boqortooyada una soo jiidayo dalkaasi maalgelinta shisheeye.

XAASAS
Xaasaska Boqorka Swaziland
King-Mswati-III india
Boqorka Swaziland Mswati III mar uu ka qeyb galay shirkii India iyo Afrika waxaa la socday dhammaan 15-kiisa xaas, 30 caruur ah oo uu dhalay iyo 100 adeegayaal u ah

Boqortooyada Swaziland ayaa lagu tilmaamaa boqortooyada aan laga daba hadlin ee Afrika ku hartay, waxaana ay ka mid tahay waxyaabaha ashqaraarka leh ee xilligan suuragalka ka ah dunida casriga ah.

XULASHADA JIMCAHA GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON