Sunday, June 22, 2025

Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa Dhaxal-sugaha ah u magacaabay xilka ugu sareeya Golaha…

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis, ayaa soo saaray Wareegtooyin uu ku magacaabay xilal Sare, isagoo qeyb ka mida awoodiisa ku wareejiyey Wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Mohamed Bin Salman oo lagu tilmaamo inuu dalkaasi hoggaamiyo.

Boqor Salmaan ayaa dhisay Golaha Wasiirada, wuxuuna dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan u magacaabay xilka Ra’iisal wasaaraha Golaha Wasiirada.

Wareegooyinka kasoo baxay Boqorka oo lagu baahiyay wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu shaaciyey in “Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed bin Salmaan bin C/casiis Al Sacuud, dhaxal-sugaha boqortooyada, uu noqon doono Ra’iisul Wasaare” isagoo markii hore ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha.

Ad

Waxaa kaloo Boqorka Sacuudiga uu u magacaabay Amiir Khalid bin Salman oo ah wiil kale oo uu dhalay Wasiirka Difaaca, halka Amiir Faisal bin Farhan Al Sacud uu sii ahaanayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Saucudig.

miir Cabdulcasiis bin Salmaan ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta, sidoo akle Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef bin Abdulaziz ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON