Wednesday, July 16, 2025

Boqorka Salmaanka Sacuudiga oo wiilal uu dhalay u magacaabay xilal sare [Akhriso]

Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa ku dhaqaaqay isku shaandheyntii ugu weyneyd ee u sameeyo isagoo xilal u magacaabay wiilal uu dhalay.

Boqorka Sacuudiga ayaa soo saaray tobannaan wareegton isugu jira: xilal ka qaadis, xilal magacaabis, Dalacsiin iyo Gunno bixin, isagoo wasiirkii Shaqada ee dalkaasi xilka ka qaaday amrayna in baaritaan lagu sameeeyo.

Boqor Salmaan wuxuu xilal u magcaaabay laba ka mida wiilasha uu dhalay. mid ka mida wiilshada oo lagu magacaabo Amiir Cabdicasiis Bin Salmaan waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha arrimaha  Tamarta. Wiilka kale ee Boqorka Amiir Khaalid Bin Salmaan ayaa iska loo magacaabay safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Mareykanka.

Boqorka ayaa dib u soo celiyey gunnooyinkii la siin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka dalkaas ee laga jarau bishii Sebtember ee sannadkii hore, markii Boqortooyada qaaday tallaabooyinka lagu dhimayo kharashaadka dawladda sababtuna ay ahayd sicirka saliidda oo hoos u dhacay.

Askarta gunooyinka dheeraadka ah la siiyey waxa ka mid ah ciidamada ku sugan furinta dagaalka xulufada Sucuudigu hogaaminayaa ka wadaan dalka Yemen oo la siin doono laba bilood mushaharkood oo dheeraad ah.

Boqorku waxa kale oo uu amar ku bixiyey in la abuuro xarun nabad sugidda qaranka ah oo toos u hoos timaadda xafiiska boqorka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON