Tuesday, June 24, 2025

Boqorka ugu awoodda badan Qaaradda Afrika oo magacii ka bedelay Dalkiisa [Akhriso]

Ma sahlana in dalalka Dunida ka jira ay bedelaan magaca dal uu leeyahay, hase yeeshee waxa si fudud ugu dhawaaqay Boqor Afrikaan ah oo ka taliya dalka Swaziland ee Koonfurta Qaaradda Afrika Boqor Mswati.

Boqorkan ayaa ka mid ah boqorrada ugu awoodda badan caalamka. Boqor Mswati-gasaddexaad ee dalka Swaziland ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu magaca dalkaasi u badelayo “Boqortooyada eSwatini”.

Boqortooyada ayaa magaca rasmiga ah uga dhawaaqday garoon kubadda lagu dheelo xilli uu socday debaaldegga sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay markii Swazi heshay madax bannaanida.

Debaaldegyada ayaa sidoo kale waxa ay ku soo beegmeen sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay dhalashada boqorka.

Boqor Mswati III, oo bartamaha taagan, ayaa waxa Swaziland xukumayay tan iyo 1986

Magaca cusub ee eSwatini, ayaa waxa uu macnihiisu yahay “dhulka Swaziz”. Lama filayn in dalkaas magaca laga badelo, hasayeeshee Boqor Mswati ayaa muddo sanada ah waxa uu Swaziland ugu yeerayay magacan eSwatini.

Waana magacii uu boqorku adeegsaday markii uu 2017 khudbadda ka jeedinayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyo weliba markii uu 2014 furayay baarlamaanka dalkaasi.

Hoggaanka Swaziland ayaa kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha waxa ay ku dhaleeceeyaan inay mamnuuceen asxaabta siyaasadaha iyo in ay faquuqaan haweenka.

Ku dhawaaqista magaca laga badelay dalkii la oran jiray Swaziland ay ka xanaajisay qaar ka mid ah dadka wadankaasi, kuwaas oo u rameysan in boqorka ay tahay inuu diiradda saaro sidii uu wax uga qaban lahaa dhaqaalaha sii liicaya ee waddankaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON