Wasiirka caafimadka dalka Jordan Nadiir Cubeydaat ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd, kadib markii Bukaano qaba cudurka Covid-19 ay u dhinteen Oxgeyn-kii oo ka go’ay Isbitaalkii ay ku jireen.
Dhibaatadan ayaa maanta ka dhacday Isbitaalka dowladda Jordan maamusho ee lagu magacaabo Sald oo ku yaalla bartamaha dalkaasi, waxaana muddo hal saac ah ka go’ay Oxgen-kii ku xirnaa bukaanada xaaladda halista ah ku jiray cudurka Covid-19, taasoo keentay inay dhintaan 8 qof, halka wararka qaarkood asheegayaan inay dhinteen 12 qof. Waxaana isbitaalka hareysay xaalad argagxax leh, iyadoo ay isugu soo baxeen ehelada bukaalada ku jira Isbitaalkaasi.
Wasiirka Caafimaadka Dalka Jordan Nadiir Cubeydaat ayaa shaaciyey in arrintan ay ka dhalatay isticmaal xaf dhaaf ah oo keentay inay istaagto shaqadii Oxgeyn-ka Isbitaalka, wuxuuna ku dhawaaqay inuu xilkii isla casilay, una gudbiyey Ra’iisal wasaaraha. “Waxaan isu casilaaa inaan qaato mas’uuliyadda ka wasiir ahaan..” ayuuna yiri.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Jordan ayaa sheegay in baaritan lagu sameynayo wixii ka dhacay Isbitaalka Sald, isla markaana tallaabo laga qaadi doono kuwii ka gaabiyey shaqadooda.
