Warar caawa la helay ayaa sheegaya burcad badeed Soomaali ay ay Doon kale oo Ganacsi afduubteen.
Doontan ayaa noqoneysa tii labaad oo muddo 72 saacadood gudahood ah ay ku qabsadaan burcad badeedka Soomaalida oo dib u soo noolaatay.
Doontan la afduubtay maanta ayaa la sheegay inay ahayd Doon u rarneyd Ganacsade reer Paksitan ah.
Lama helin faahfaahinta Doontan cusub iyo halka ay la tageen Burcad badeedka Soomaalida, waxaana weli socday waanwaan lagu doonayay in lagu sii daayo Doonta kale ee MSV Al Kausar oo ay qabsadeen Sabtidii.
Doonta MSV Al Kausar ayaa u rarneyd ganacsade reer Kismaayo ah iyadoo la geeyay xeebaha degmada Hobyo.
Goobjooge.com