Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Sheekh Maxamuud C/nuur (Janan) si kulul ugu hadlay dagaalkii magaalada Beledxaawo ka dhacay 25-kii Janaayo 2021, isagoo sheegay inuu dagaalkaasi ahaa gobonimo-doon xaq iyo jihaad ah.
Wasiir Janan ayaa sheegay inuu dhammaaday dulqaadkii, islamarkaana ka falcelin doonaan oo ay dagaalami doonaan, ayna qaateen Guul ama Geeri, isagoo u digay shacabka ku nool Beledxaawo inaysan waxba xeerineynin ha ahaato Guri gubta iyo maato la dilo, mar haddii ay badbaadin waayeen Farmaajo iyo kooxdiisa, sida uu yiri.
“Waxaan galeynaa dagaal xaq ah oo sharafteena aan ku difaaceyno.. dadka Beledxaawo waan u sheegeynaa laga bilaabo saaacadan inay naftooda iyo maalkooda badbaadsadaan oo meeshii ay ku maadan karo uu ku maataan..” ayuu yiri C/rashiid Janan oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in hubkii dowladda iyo ciidamada dowladda u adeegsanayo dano gaara oo uu kursi ku raadinayo.
Wuxuu sheegay inay joogaan duleedk Buuloxaawo, halkaasina ay isugu geyn doonaan wax Alla wixii ay awood leeyihiin degmada Beledxaawo si ay ula wareegaan. “Ma aqbaleyno, mana ogolaaneyno Nin qurbo joog ah uga tagno degaanadeena.. Ciidamada la qalday ee Soomaaliyeed waxaan leeyahay dhiigoodda ayaa noo bannaan yahay inta ay dulmiga hor socdaan..” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.
