Wasiirkii hore ee Amniga C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu tanaasulo markii uu arkay xaaladda Gobolka Gedo ee colaadda, abaarta iyo cudurka isugu darsamay.
“Go’aanka aan qaatay oo aan wax kasta aan u liqay, markii aan arkay colaadda, abaarta iyo cudurka isugu darsaday gobolka Gedo. waxaan idin xaqiijinayaa ma maqli doonaan hadda kadib colaadii Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowlada federaalka iyo Jubbaland..” ayuu yiri C/rashiid Janan oo khudbad ka jeediyey magaalada Beledxaawo.
Wasiir Janan wuxuu sheega in hadda uu bilaabayo mideynta Jubbaland, isla markaana Jubbaland-tii horena uu ka baxay, balse uu mar waliba ahaanayo Jubbaland, kana gudbay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka.
