Sunday, July 13, 2025

C/raxmaan Al-Cadaalla: “Wasiir C/rashiid Janan wuxuu ku yimid garasho inuu u hiiliyo Qarannimada..”

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cumar ayaa heshiiska dowladda Federaalka la gashay C/rashiid Janan ku tilmaamay mid dan u ah qaranimada.

“Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda gobalka gedo ayaa heshiis lagaaray Dawladda Soomaaliya Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu” ayuu yiri Alcadaaladda oo ka mid ahaa xubno ka hortegay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

“Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cid kasta oo cadaw ku ah Qarankeenna” ayaa ka mid ahaa fariin uu wasiirku xigeenka Warfaafinta oo ka hadlay soo dhoweyntii C/rashiid Janan.

C/rashiid Janan ayaa ilaa hadda ah dembiile ay dowladda Soomaaliya baadi goobeysay, waxayna arrintan ka mid tahay siyaasadda dowladda madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON