Wednesday, July 16, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo ka baaqsaday maanta inuu hortago Maxkamadda Rafcaanka ee looga yeeray

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir ay u yeertay inuu maanta hortago ayaa ka baaqsaday inuu kasoo hor muuqdo.

Warar ku dhowdhow siyaasigan ayaa sheegaya in C/raxmaan Cabdi Shakuur uu go’aansaday inuu hor tegin maxkamadda rafcaanka, iyadoo la filayo inay wakiil ka noqdaan Qareenada u doodaya.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa dib u soo cusbooneysiiyay dacwad ka dhan ah siyaasiga markii uu rafcaan ka qaatay xeer ilaaliyaha Qaranka go’aankii hore ee Maxkamadda G/Banaadir.

Waxaa maanta ay maxkamaddu u muddeysay in la dhageysto eedaha loo heysto  C/raxmaan Cabdi Shakuur., iyadoo qoraal shalay kasoo baxay guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka Gobolka Banaadir loo diray xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON