Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa goor qabtay shir jaraa’id isagoo ku gacan seyray go’aanadii kasoo baxay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir.
Isagoo shir jaraa’id qabtay Gurigiisa oo Muddo ka yar 24 saacadood qabtay ayuu sheegay in kiiskiisa uu yahay sharci darro oo laga soo abaabulay Madaxtooyada, laguna doonayo in dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed lagu geliyo xayiraad.
Wuxuu caddeeyay inuusan aqbalsaneyn go’aanka kasoo baxay maxkamadda Rafcaanka, isgoo madaxtooyada ku soo eedeeyay inay ka danbeyso dilalka qorsheysan iyo maxkamadeynta siyaasiyiinta ka ra’yiga duwan.
“Wuxuu ugu baaqay taageerayaasheyda inay is dejiyaan oo aysan wax dhibaato ah geysan, waxaan leenahay is dejiya..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.