Friday, June 27, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Waxaan dowladda uga fadhinaa inay caddeyn ka bixiso Derbiga la dhisayo..”

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo ka hadlay xaaladda ka soo cusboonaatay Gobolka Gedo iyo Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka oo dadka degmada Beledxaawo ay hortaagan yihiin ciidamada Kenya.

Siyaasiga ayaa sheegay inay ka welwel wayn abuurtay qeylodhaanta ka soo yeeraysa Beled Xaawo ee Haweenka iyo Caruurta dhagaxa la hortagaan gawaarida gaashaamaan ee ciidanka Kenya, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay caddeyso mowqifkeeda.

“Si loo helo sawirka dhabta iyo sida ay wax u jiraan, waxaan kaga fadhinaa dawladda, shacabka Soomaaliyeedna xaq ugu leeyahay inay caddeyn ka bixiso Derbiga la dhisayo, waxay kala socoto iyo waxa uu mowqifkeedu yahay si loo qaato go’aan midaysan..” ayuu yiri Siyaasiga

Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya ayaa mar kale kiciyay kacdoon dadka ku nool degmada Beledxaawo iyadoo arrintan ay culeys kale ku noqotay dowladda madaxweyne Farmaajo oo la hardameysa mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo faragelin shisheeye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON