Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa jawaab ka bixiyay war uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kasoo saaray ciidamadii maanta galay guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
C/raxmaan C/shakuur ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inay muuqato inuu raali ka ahaa weerarkii lagu qaaday Gurigiisa. ” Madaxweyne Farmaajo kama uusan hadal markii habeen saqdhexe la soo weeraray xarunta Xisbigga Wadajir, lagu laayey saraakiil ciidan, iyadoon la dhaqin, lagu dukan janaaso xabaal wadar lagu aasay. Sow ma muuqato in uu raali ka ahaa..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
Wuxuu farriin kale ku sheegay in falka lagula kacay Guriga Cabdi Qeybdiid uu yahay weerar lagu qaaday dimoqraadiyadda iyo sharciga iyadoo la iska garab marayo dastuurka, isagoo intaas ku daray inay keeni karto qalalaase iyo dagaal sokeeye oo dib loogu noqdo.