Siyaasiga C/raxmmaan C/shakuur Warsame ayaa la wareegay xilka guddoomiyaha xisbiga Wadajir uu ka mid ahaa asaasayiisha, kadib markii laga sii daayey xabsi ay dhigtay dowladda Federaalka.
Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay gurigiisa ayuu sheegay inuu yahay guddoomiyaha xisbiga Wadajir iyo hoggaamiyaha Xisbigaasi, wuxuuna sidoo kale shaaciyey in xoghayaha xisbiga uu yahay Sayid Cali Macalin oo ahaa qofkii lala xiray.
Xisbiga Wadajir oo uu hore guddoomiye ugu ahaa Kamaal Daahir Guutaale, isla markaana uu magaa xilkaas ku hadlayay ilaa maalmihii ugu danbeeyay ee xarunta C/raxmaan C/shakuur ayaa lamna filaan noqotay tallaabada uu qaaday siyaasiga dagaalka kula jira hoggaanka dowladda federaalka, iyadoo aan la sheegin qaabka uu kula wareegay xilkaasi.
Dhinaca kale waxaa maalmo ka hor sheegtay inuu yahay Xoghayaha xisbiga Daljir xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Facebook soo dhigay farriin ayaa markii ugu horeysay sheegtay xilkaasi, halka C/raxmaan C/shakuur uu xoghayaha xisbiga Wadajir e u magacaabay xisbigiisa Sayid Cali Macalin Cabdulle.
Tan iyo markii la dhisay xisbiga June, 9, 2016 waxaa guddoomiye ka ahaa Kamaal Guutaale, laakiin waxaa muuqata in iyadoo aany wax shir ah isugu imaan xubnaha xisbiga uu C/raxmaan C/shakuur isu magaaabay guddoomiyaha xisbiga uu aasaastay.
HOOS KA DHAGEYSO SHIRKII JARAA’ID EE C/RAXMAAN C/SHAKUUR