Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Al-Callaamah Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan ayaa ku geeriyooday Magaalada barakeysay ee Maka Almukarama, Boqortooyada Sacuudiga.
Shariifka ayaa ahaa aqoonyahan laga wada yaqaano caalamka Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna bulshada Soomaalida. Wuxuuna ka mid ahaa culimada heer sare ka gaaray cilmiga shareecada xilligan ee dunida ku noolaa.
Shariif Cabdi Nuur wuxuu 1941 ku dhashay Magaaladda Baabili sanadii ee dalka Ethiopia. Waxa uu ka soo jeedaa Ashraaftaoo ku ku abtirsataa Aalu Beytka. Hooyaddii waxay ka soo jeedaa Soomaalida Itoobiya . Sheekha wuxuu la dhashay 10 wiil oo dhammaan ka wada weynaa.
Wuxuu waxbarashada diinta ka bilaabay Shariifka magaaladda Baabili. Naxwadda luuqadda Carabigga wuxuu ka bartay Caalim la oran jiray Sheekh Axmed Baaruud oo ahaa Sheekh Oromo ah oo gees kasta oo shariicadda ku caan baxay. Sidoo kale, waxa uu ka akhristay Sh Xasan Macalin Mareexaan. Walaalkiisii ka weynaa ee ahaa Muftiggii Shaaficiyadda ee waagaas waxa uu isna ka dhigtay naxwaha iyo fiqiga. Sh Jawhar isna Shariifka naxwadda ayuu u dhigay.

Sheekh Shariif C/nuur wuxuu cilmi u doortay Harar, isagoo uga gudbay Jigjiga. Sanadkii 1959 oo Shariifku ahaa 18 sano wuxuu ka socdaalay magaalada Jigjiga, isagoo cilmi u doontay jaamacadda AZHAR ee dalka Masar. Sheekh Shariif Cabdi Nuur ayaa galay jaamacaddii AZHAR, gaar ahaan Kuliyadda Shareecadda iyo Qaanuunka, isagoo dhameystay aqoontiisa jaamacadeed, wuxuuna u wareegay kuliyadda Usuulu fiqhiga oo uu ka garay Master.
Shariifka ayaa tegay magaalada Muqdisho sanadkii 1972, wuxuuna tegay machadkii Xalane. Sheekhu wuxuu macalin ka noqday rugtii Boolo Tiknikoo ee Muqdisho. Waxaa aad loola yaabay aqoontii Sheekha. Xalqado waaweyn ayaa looga sameeyay masaajidada. Wuxuu bilaabay dhigidda kutubta iyo duruusta. Wuxuu macalin ka noqday jaamacadii Lafoole isagoo loo dhiibay qeybta luqada carabiga.
Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ahaa in Shariifku noqday Bad cilmi ah oo soconaysa. Masaajidada wuxuu ka bilaabay dhammaan faniyada diinta. Tusaale ahaan wuxuu dhigi jiray: Fiqigga, Tafsiirka, Xadiithka, Naxwaha iyo Sarfiga iyo qaar kale. Si gaar ah wuxuu Shariifku ugu dadaali jiray dhigidda xadiithka Nebigga SCW wixii sugan. Shariifku wuxuu dhigay kutubta xadiithka ugu waaweyn ee loo yaqaan Umahaatu Sitta dhammaan wuu sharaxay (SOO SAARIS; TAKHRIIJ ayuu u sameeyay xadiith kasta).
Sheekh Shariif C/nuur waxaa la xiray sanadkii 1978. Markii la sii daayay Sheekha xaaladda Soomaaliya ay dagaallo sokeeye ka bilwoddeen wuxuu sanadkii 1984-kii ku dhoofay Sacuudiga halkaas oo lagu soo dhaweeyay, wuxuuna macalin ka nqoday jaamacadda caanka ah ee Jaamacatu Malik Sucuud oo waagaas la oran jiray Dirciya.
Wuxuu ahaa Sheekhu qof Alle ku xiran oo leh akhlaaq, aqoon iyo cibaado isku darsaday. Marar badan oo culimo uu ka aqoon badan yahay wax ka sheegeen, waa uu diiday inuu u jawaabo. Waxa lagu xasuustaa sida uu uga saahiday aduunyada. Sheekha wuxuu ka tegay 9 caruur ah (2 wiil iyo 7 gabdhood).
Muddo dheer ayuu Sheekha caalimka ah ee Shariif C/nuur ku xanuunsanayay dalka Sacuudiga, magaalada oo uu ugu danbeyn ku geeriyooday.
Allaha u naxariisto.