Tuesday, July 8, 2025

Caasimadda Hirshabeele oo go’doon gashay (Garoonkii diyaaradaha iyo magaalada oo kala xirmay)

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa ku jirta go’doon aanay cidna u gudbi karin, kana bixi karin, kadib markii ay daadad iyo fatahaad qarqiyeen.

Dhammaan tuullooyinka magaalada Jowhar ayey gooyeen biyaha fatahaadda, waxaana xirmay isku socodka magaalada iyo tuulooyinka ku wareegtay oo kaliya hadda la adeegsado Doomo.

Fatahaad ka dhalatay fatahaad uu sameeyay webiga Shabelle ayaa saameyn weyn ku yeelatay magaalada Jowhar, sida uu sheegay Wasiirka gargaarka iyo maameynta musiibooyibka ee maamulka Hirshabeelle Cabdimahad Cabullaahi Qoorgaab.

Wuxuu sheegay inay kala xirmeen magaalada iyo garoonka diyaarahada oo biyo dhex fadhiyaan, waxa kaliya oo magaalada lagu tegi karo ayaa hadda noqotay helikobtar ama in Doonyo la adeegsado, waxaana Jowhar ku barakacay ilaa 7000 oo qoys.

Madaxweynaha Hishabeelle ayaa dhowaan ku laabtay magaalada Jowhar, isagoo ay Muqdisho ka qaaday diyaarad Helikobtar ah.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in gargaar lala soo gaaro magaalada Jowhar oo xaalad halis ah ku jirta xilligan iyo magaalooyinka kale ee Hirshabelle oo xilligan ay fara ba’an ku heyso fatahaadda Webiga Shabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON