Monday, June 23, 2025

Cabdi Qeybdiid oo diiday inuu Muqdisho yimaado & Go’aano ka soo baxay guddiga farsamada

Guddiga farsamada shirka Cadaado ee maamul u sameynta gobolada dhexe ee muranku ka taagan yahay ayaa dardar geliyay howshiisa kadib markii la sheegay in la kala diray, lana magacaabay guddi farsamo cusub oo saxiixayaasha gobolada dhexe ay soo saareen galabta.

Cadaado-shirka

[ad name=”HTML-1″]

Guddigan oo ay madax ka tahay Xaliimo Ismaaciil ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in la xareeyay 28 ka mida odayaasha dhaqanka ayna harsan yihiin 12 kale oo beelahooda soo gudbin doonaan. Waxaana warsaxaafadeedyo guddigu iska soo daba saaray uu sharci darro ku tilmaamay kala diristii lagu sameeyay guddiga ee kasoo baxday qaar ka mida saxiixayaasha oo ay ugu baaqeen inay la shaqeeyaan.

Sidoo kale wararka Cadaado ayaa sheegaya in qaar ka mida saxiixayaasha sida Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo kooxda Ahlu sunna ay aqbaleen inay codsifii Ra’iisal Wasaare  Cumar C/rashiid ee  ahaa inay wada-tashi u yimaadaan Muqdisho, laakiin madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ku gacan seyray codsigaasi oo qaadacay imaanshaha Muqdisho.

Maanta ayay hayd markii Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid uu codsi qoraal ah u diray Saxiixayaasha Maamulka Gobolada dhexe inay Muqdisho u yimaadaan wadahadal lagu xaliyo is mari waaga ka taagan shirka Cadaado.

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON