Thursday, June 26, 2025

Cabdiraxmaan Tuuryare: “Qofkii aan heysan warqad caddeyn ah waxaa loo aqoonsan doonaa Alshabaab…!!”

Taliyaha Hay’adda Nabad suggida Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo maanta shaaciyay hadal yaab leh oo ku saabsan diiwaangelin dadka Muqdisho laga doonayo si loogu aqoonsado inaysan Alshabaab ka tirsaneyn.! Isagoo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan dowladda ayuu sheegey in laga bilaabo maanta ( 9-ka bisha April) dadka shacabka ah laga doonayo inay iska diiwaangaliyaan xarumaha dowladda sida ee degmooyinka.

tuuryare

Taliye Tuuryade wuxuu intaasi raaciyay  in qof kasta laga siin doono warqdad caddeyn ah inuusan ka mid ahayn  Alshabaab ama uusan taageere u ahayn, wuxuuna si cad u sheegay in qofkii aan warqadaasi heysan wixii ka danbeeya muddo bil kadib ah la xiri doono, loona aqoonsan doono inuu yahay Alshabaab.

Garoomada iyo meelaha laga soo galo dalka ayuu sheegay Mudane Tuuryare in dadka lagu diiwaangalin doono, lana siin doono waraaqo caddeyn ah. Wuxuu kaloo u diray shirkadaha isgaarsiinta ee SIM card-yadooda iska siiya dadka iyagoo aan diiwaan gelin.

[ad name=”HTML-2″]

Isagoo u hadlay qaab aan taxadar lahayn ayuu sheegey in dowladda ay diyaar garowday, ayna heshay xog badan oo ku saabsan dadka taageera ururka Alshabaab, kuwo uu sheegay inay  dhaqaalaha siiyaan, qaar lacagaha u uruuriya iyo sidoo kale  Idaacado u faafiya Alshabaab dayaacadahooda. “Gurigii Shabaab ku hoydaan waa la duminaa, Gaarigii ay isticmaalaan waa gubis, gacantii lagu salaamo xitaa waa la goyn”aa ayuu yiri taliyaha Tuuryare oo meeshii ugu danbeysay ay ka gaartay.

Lama oga sida waraaqo dadka la siiyo ay dowladu ku dadka ugu kala sooci karto inay Alshabaab ka tirsan yihiin iyo inkale, waxaan kaloo caddeyn in qorshahani uu yahay mid uu taliyaha ku curiyay goobtii uu khudbadda ka jeediyay inuu ka mid yahay qorshe cusub oo dowladu ay ammaanka ku sugeyso, waxaase muuqata in qaabka uu taliye Tuuryare u dhigay uu yahay arrin lala yaabo oo aan macquul ahayn.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON