Thursday, August 7, 2025

Cabsi dhinaca ammaanka ah & Amarro lagu soo rogay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo

Mmaamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa amarro kusoo rogay garoomada ku yaala magaalada Gaalkacyo kadib cabsi dhinaca ammaanka ah oo ka taagan gobollada Dhexe.

Garoonka magaalada Gaalkacyo ee C/llaahi Yuusuf  Cabdulaahi Yuusuf ayaa amarrada intooda badan ay quseeyaan iyadoo waraaqo maamulka ku dhejiyay garoonka loogu digay dadka rakaabka ah ee garoonka ka dhoofaya inay boorsooyinkooda ama xamuul ka dhigaan alaabada ay ka midka yihiin  Labtop iyo agabyo kale oo electric ah iyo waxyaabo dareerayaal ah oo la cayimay.

Amarkan oo kasoo baxay taliska amaanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa lagu caddeeyay  in dadka rakaabka ah ay u hogaansamaan baaritaanada lagu sameynayo marka ay duulayaan.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo Garoonka Muqdisho horaantii Bishii Febraayo lagu qarxiyay Diyaaradda Daallo markii qof watay Laptop waxyaabo qarxa lagu rakibay uu raacay, sidoo kale waxaa qarax ka dhacay garoonka magaalada Beledweyne.

QORAALKA HOOS KA AKHRI

GAROONKA=gaalkacyo

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON