Sunday, July 6, 2025

Cabsi ka dhalatay Dhaqtarkii markii ugu horeysay kashifay jiritaanka CoronaVirus oo cudurkii u dhintay..

Waxaa si weyn loo hadal hayaa geerida ku timid dhaqtar dhalinyaro ah oo markii ugu horeysay ka digay cudurka CoronaVirus oo isla cudurkaasi ugu dhintay isbitaalka dowladda Shiinaha ee magaalad Wuhan.

Dr. Li Wenliang oo 34 sano jir ahaa ayaa la xaqiijiyey inuu cudurka u dhintay isagoo lagula tacaalayo isbitaalka weyn, wuxuuna ahaa dhaqtarrada dagaalka kula jira Coronavirus ee bukaanka uu soo ritay taageerada caafimaad u fidinayey, taasoo cabsi hor leh ka abuurtay dalka Shiinaha.

Dhaqtarkan wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee bishii Decembar 2019 ka digay soo shaac bixidda jiritaanka cudur-sidaha Coronka, isagoo baraha bulshada ku sheegay inuu jiro cudur la mida SARS oo dadka halis ku ah, loona baahan yahay in laga hortago oo laga digtoonaado, laakiin waxaa si weyn uga hor yimid warkiisa dowladda Shiinaha oo cadaadis ku saartay inay aamusiso.

Muddo kadib Dr. Li Wenliang wuxuu qeyb ka ahaa dagaalkii lagu jiray cudurka oo la aqoonsaday inuu yahay halis caalami ah, waxaana hadda uu ka mid noqday 636 qof oo cudurkaasi uu dilay, iyadoo hadda dunida oo dhan uu ku faafayo ayna sidaan dad ka badan 30,000 qof.

Geerida Dr. Li Wenliang waxay abuurtay cabsi hor leh oo ku saabsan sida loola dagaalamayo cudurka CoronaVirus iyo dadaalka loogu jiro in laga hortago inuusa miradhal ahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON